IMTIXAANKA XEER ILAALIYAYAASHA LOO QAADANAYO XAFIISKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta daah furay Imtixaanka Xeer Ilaaliyayaasha Loo Qaadanayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka . Imtixaanka waxaa kasoo qeyb galay in ka dhawaad  250 muwaadin  oo soo buuxiyay dhammaan shuruudahii loo dajiyay tartamayaasha.

By | July 29th, 2021|Wararka, Warbaahinta|0 Comments

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kulmay XG ee Dalka Turkiga

Xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa magaaladda istanbuul kulan kula qaatay xeer-ilaaliyaha Guud ee Turkiga H.E Beker Sahin. Labadda xeer-ilaaliye ayaa ka wadda hadlay sidii dalalkooda ay isaga kaashan karaan xoojinta hay'adaha garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo helitaanka caddaalad wax ku ool ah.

By | December 25th, 2020|Wararka, Warbaahinta|0 Comments

Sawirro; Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay sidii sharciyan loo xoojin lahaa joojinta tacdiyadaha ka dhanka Jinsiga ( Kufsiga).

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay sidii sharciyan loo xoojin lahaa joojinta tacdiyadaha ka dhanka jinsiga ( Kufsiga). waxaana si gaar diiradda loogu saaray sare u kaca ku yimid intii lagu guda jiray Xiyaraaddii COVID-19. Kulankan oo ay ka so qayb-galeen Xubno ka kala socday Ururadda Bulshadda Rayidka ah, [...]

By | August 20th, 2020|Wararka, Warbaahinta, Warbixinno|0 Comments

Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay dhagaysiga dacwadd loo haystay shaqaale ka tirsan Wasaaradda caafimaadka.

maanta oo ay taariikhdu tahay 16 /08/2020 waxaa lasoo  gabagabeeyay dhagaysiga dacwad loo haysto shaqaale ka tirsan Wasaaradda caafimaadka. Dacwaddan musuq maasuqa ah waxaa ku eedeysanaa eedeysanayaal ka kala tirsan hay’ado kala duwan iyo kuwa kale oo lagu tuhmaayo in ay u fududayn jirayn musuqa baahsan ee lagu soo eedeynayay .    

By | August 16th, 2020|Uncategorized, Wararka, Warbaahinta, Warbixinno|0 Comments

XXGQ ayaa maanta ka qeyb galay Dacwadda Ciqaabta ah ee loo haysto eedeysanayaasha kala ah Cabdullaahi Maxamed Axmed iyo Cali Sheekh Doon

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa maanta Dacwad Ciqaab ah ku soo oogay eedeysanayaasha kala ah : 1.Cabdullaahi Maxamed Axmed . Oo ah milkiilaha Gaabow General Service loona haysto in uu sameystay , kuna shaqeysanayay Bank aan haysan Ruqsadda Bankiga Dhaxe ee DFS . 2. oo ah Madaxa Hubinta ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee [...]

By | June 15th, 2020|Uncategorized, Wararka|0 Comments

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/06/2020 ka qeyb galay dhageysiga 1aad ee Dacwadda Musuq maasuqa ee loo haysto eedeysanayaal ka kala tirsan Wasaaradda Caafimaadka JFS iyo Wasaaradda Kalumaysiga.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/06/2020 ka qeyb galay dhageysiga 1aad ee Dacwadda Musuq maasuqa ee loo haysto eedeysanayaal ka kala tirsan Wasaaradda Caafimaadka JFS iyo Wasaaradda Kalumaysiga. Dacwaddan musuq maasuqa ah waxaa ku eedeysan eedeysanayaal ka kala tirsan hay’ado kala duwan iyo kuwa kale oo lagu tuhmaayo [...]

By | June 13th, 2020|Uncategorized, Wararka|0 Comments

#COVID-19, maanta oo ay taariikhdu tahay 19 Maarso 2020, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu gabi ahaanba hakad galiyey shaqadii Xafiiska muddo 15 casho ah oo ka bilaabanaysa 21 Maarso oo ku began Sabtida kuna eg 5 bisha April 2020.

Iyadoo laga duulaayo khatarta uu leeyahay caabuqa sida ba’an uga faafaya caalamka ee #COVID-19, maanta oo ay taariikhdu tahay 19 Maarso 2020, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu gabi ahaanba hakad galiyey shaqadii Xafiiska muddo 15 casho ah oo ka bilaabanaysa 21 Maarso oo ku began Sabtida kuna eg 5 bisha April 2020. Sidoo kale [...]

By | March 19th, 2020|Wararka, Warbaahinta, Warbixinno|0 Comments

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr.Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay furitaanka Tababar ku saabsan Maaraynta kiisaska Dambiyada culus(Series Crimes) kaasoo soconaya muddo labo bilood ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr.Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay furitaanka Tababar ku saabsan Maaraynta kiisaska Dambiyada culus(Series Crimes) kaasoo soconaya muddo labo bilood ah. Tababarkaan waxaa ka faa’ideysanaya Xeer Ilaaliyeyaal iyo Garsoorayaal ka kala socda Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada Dalka. Ugu dambeyntii Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa Garsooreyeyaasha [...]

By | March 1st, 2020|Wararka, Warbaahinta, Warbixinno|0 Comments

Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo lagu soo dhaweeyay Kuwait “SAWIRRO”

Wafdi uu hoggaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa maanta gaaray Caasimadda Kuwait. Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Kuwait city ku soo dhaweeyay Madax ka tirsan Wasaaradda Caddaaladda Kuwait iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh oo ay wehliyan qaar kamid ah Diblomaasiyiinta Safaaradda ka howlgasha. Wafdiga Xeer Ilaaliyaha [...]

By | February 4th, 2017|Wararka|0 Comments