Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr.Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay furitaanka Tababar ku saabsan Maaraynta kiisaska Dambiyada culus(Series Crimes) kaasoo soconaya muddo labo bilood ah.
Tababarkaan waxaa ka faa’ideysanaya Xeer Ilaaliyeyaal iyo Garsoorayaal ka kala socda Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Ugu dambeyntii Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa Garsooreyeyaasha iyo Xeer Ilaaliyeyaasha ka qeyb qaadanaya tababarkaan kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan daruusta lasiinayo mudada uu socdo aqoon kororsigan.