Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa maanta Dacwad Ciqaab ah ku soo oogay eedeysanayaasha kala ah :

1.Cabdullaahi Maxamed Axmed . Oo ah milkiilaha Gaabow General Service loona haysto in uu sameystay , kuna shaqeysanayay Bank aan haysan Ruqsadda Bankiga Dhaxe ee DFS .

2. oo ah Madaxa Hubinta ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee DFS ,isla markaana lagu soo eedeyay musuq, ku daneysasho Xafiis iyo qodobo kale.

Markii laguda galay dullucda dacwadda, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa doodiisa kusoo bandhigay caddeymo hordhac ah, sidoo kalena Qareenada ayaa soo bandhigay Isdifaacooda ay ku difaacayaan eedesanyaasha .

Dood dheer kaddib, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib u ballamisay in fadhi kale la iskugu yimaado si loo dhamaystiro dhageysiga dacwadda.