Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13/06/2020 ka qeyb galay dhageysiga 1aad ee Dacwadda Musuq maasuqa ee loo haysto eedeysanayaal ka kala tirsan Wasaaradda Caafimaadka JFS iyo Wasaaradda Kalumaysiga.
Dacwaddan musuq maasuqa ah waxaa ku eedeysan eedeysanayaal ka kala tirsan hay’ado kala duwan iyo kuwa kale oo lagu tuhmaayo in ay u fududayn jirayn musuqa baahsan ee lagu eedeynayo .

Inta aan la guda gelin dulucda dacwadda wax ishor istaag soo jeediyay Qareenada u doodayay eedeysanayaasha u xiran dacwaddan , doodda Qareenada kaddib Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa ku adkeystay in uu ku saxan yahay Qodabada sharci uu ku soo eedeeyay eedeysanayaasha.

Dood dheer kaddib, Maxkamadda ayaa go’aamisay in fadhi kale la isugu yimaado.