Yoolka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka

Yoolka Xafiiska Xeerilaalinta Qaranka waa inuu dib u soo celiyo xafiis Xeer -Ilaalineed oo hufan, madaxbannaan oo xaqiijiya ku dhaqanka sharciyada Soomaaliya, iyo in si caddaalad iyo eex la’aan ah uu ugu adeego dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed marka baritaanada kiisaska ciqaabta ah la wado, in lagu oogo dacwad qof walba oo dembi gala lana hor geeyo maxkamadaha dalka, lana ilaaliyo sharafta iyo xuquuquda bani’aadamnimo ee dhammaan muwaaadiniinta Soomaaliyeed xataa kuwa dembiyada galay, lana daryeelo dhibbanayaasha dembiyada laga galay,  iyo in iyadoo la matalayo Xeerilaaliyaha Guud laga qeyb galo dacwadaha madaniga ah ee saameynta ku leh danta guud, iyo in uu kormeero xabsiyada Soomaaliya si sharciga waafaqsan.

 

Hiigsiga Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka

Higsiga Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranku waa: in la helo xafiis casri ah Hawlwadeenadiisu xirfad leeyihiin oo xaqiijiya badbaadada iyo amaanka shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed, dhawra xuquuqaha xeerarku damaanad qaadeen, haybad leh xeerarkana si daacad ah ugu shaqeeya.