Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha Maxkamadaa Sare ee Dalka oo si wada jir ah u furay tababar la xariira kahortagga Lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada kaas oo socon doona muddo 4 maalmood ah.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha Maxkamadaa Sare ee Dalka oo si wada jir ah u furay tababar la xariira kahortagga Lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada kaas oo socon doona muddo 4 maalmood ah. Tababarka ayaa loo furay xeer ilaaliyaal ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo garsoorayaasha maxkamaddaha waxaana goob joog [...]

By | October 19th, 2021|Dhacdooyinka|0 Comments

IMTIXAANKA XEER ILAALIYAYAASHA LOO QAADANAYO XAFIISKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr.Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta daah furay Imtixaanka Xeer Ilaaliyayaasha Loo Qaadanayo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka . Imtixaanka waxaa kasoo qeyb galay in ka dhawaad  250 muwaadin  oo soo buuxiyay dhammaan shuruudahii loo dajiyay tartamayaasha.

By | July 29th, 2021|Wararka, Warbaahinta|0 Comments

Xayeysiin Fursado Shaqo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

  Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka (XIGQ), waa xafiis xubin ka ah hay’adaha garsoorka, u madaxbanaan shaqooyinkiisa, muhiimna u ah dawladnimada, dabaqidda Xeerarka iyo Shuruucda Dalka iyo sarreynta sharciga. Waa xafiis adeeg lagama maarmaan ah siiya shacabka Soomaaliyeed. Waxaa waajibaadkiisa iyo Masuuliyadihiisa ka mid ah: Dacwo-oogista, ka hortagga iyo katabatagga Danbiyadda; Hagista baarista dacwadaha [...]

By | June 30th, 2021|Ogeysiisyada, Warbaahinta|0 Comments

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la kulmay XG ee Dalka Turkiga

Xeer-ilaaliyaha guud ee Soomaaliya Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa magaaladda istanbuul kulan kula qaatay xeer-ilaaliyaha Guud ee Turkiga H.E Beker Sahin. Labadda xeer-ilaaliye ayaa ka wadda hadlay sidii dalalkooda ay isaga kaashan karaan xoojinta hay'adaha garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo helitaanka caddaalad wax ku ool ah.

By | December 25th, 2020|Wararka, Warbaahinta|0 Comments

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH oo Dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday in ay Dalka ka shaqayso.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay'adda SAHAN RESEARCH oo Dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday in ay Dalka ka shaqayso. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay Dacwadda hay'adan dhawaan ay u gudbin-doonan Maxkamadda Gobolka Banaadir si ay u qaado tallaabooyinka ku habboon ee [...]

By | December 21st, 2020|Dhacdooyinka, Uncategorized|0 Comments

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dagniin u diray Dadka ku howlan Musuqmaasuqa.

Xeer-ilaaliyaha Guud  ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ka warbixiyay baaris lagu sameeyay  kiisas musuqmaasuq ah oo markii hore ka bilowday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada kadibna lugaha la galay Wasaraado iyo hay’ado kale oo Dowladeed, Ganacsato, shirkado si gaar ah loo leeyahay, taaso dhawaan xukuno kala duwan [...]

By | August 31st, 2020|War Saxaafadeed|0 Comments

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo dib u habayn ku wadda Xafiisyadda Maamul-gobaleedyadda.

Xubno ka socda Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo isku jira xeer-ilaaliyaal iyo la taliyaal dhawaan so gaaray magaaladda Bydhabo oo u jeedka imaashahodu uu ahaa xoojinta xiriirka wadda shaqaynayd ee Bahda Cadaaladda koonfur galbeed oo kormeer shaqo ku tagay xurunta xafiiska xeer-ilaalinta koonfur galbeed ee soomaaliya ayaa u kuur-gal ku sameeyay kiiskaska fudud iyo [...]

By | August 30th, 2020|Dhacdooyinka, Warbixinno|0 Comments

Sawirro; Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay sidii sharciyan loo xoojin lahaa joojinta tacdiyadaha ka dhanka Jinsiga ( Kufsiga).

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan looga hadlayay sidii sharciyan loo xoojin lahaa joojinta tacdiyadaha ka dhanka jinsiga ( Kufsiga). waxaana si gaar diiradda loogu saaray sare u kaca ku yimid intii lagu guda jiray Xiyaraaddii COVID-19. Kulankan oo ay ka so qayb-galeen Xubno ka kala socday Ururadda Bulshadda Rayidka ah, [...]

By | August 20th, 2020|Wararka, Warbaahinta, Warbixinno|0 Comments

Waxaa maanta lasoo gabagabeeyay dhagaysiga dacwadd loo haystay shaqaale ka tirsan Wasaaradda caafimaadka.

maanta oo ay taariikhdu tahay 16 /08/2020 waxaa lasoo  gabagabeeyay dhagaysiga dacwad loo haysto shaqaale ka tirsan Wasaaradda caafimaadka. Dacwaddan musuq maasuqa ah waxaa ku eedeysanaa eedeysanayaal ka kala tirsan hay’ado kala duwan iyo kuwa kale oo lagu tuhmaayo in ay u fududayn jirayn musuqa baahsan ee lagu soo eedeynayay .    

By | August 16th, 2020|Uncategorized, Wararka, Warbaahinta, Warbixinno|0 Comments

XXGQ ayaa maanta ka qeyb galay Dacwadda Ciqaabta ah ee loo haysto eedeysanayaasha kala ah Cabdullaahi Maxamed Axmed iyo Cali Sheekh Doon

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ayaa maanta Dacwad Ciqaab ah ku soo oogay eedeysanayaasha kala ah : 1.Cabdullaahi Maxamed Axmed . Oo ah milkiilaha Gaabow General Service loona haysto in uu sameystay , kuna shaqeysanayay Bank aan haysan Ruqsadda Bankiga Dhaxe ee DFS . 2. oo ah Madaxa Hubinta ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee [...]

By | June 15th, 2020|Uncategorized, Wararka|0 Comments