Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha Maxkamadaa Sare ee Dalka oo si wada jir ah u furay tababar la xariira kahortagga Lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada kaas oo socon doona muddo 4 maalmood ah.
Tababarka ayaa loo furay xeer ilaaliyaal ka tirsan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo garsoorayaasha maxkamaddaha waxaana goob joog ahaa gudoomiyaha maxkamadda gobalka banaadir, gudoomiyaha maxkamadda racfaanka iyo agaasimaha mac-hadka tababarada.