Xubno ka socda Xafiiska xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo isku jira xeer-ilaaliyaal iyo la taliyaal dhawaan so gaaray magaaladda Bydhabo oo u jeedka imaashahodu uu ahaa xoojinta xiriirka wadda shaqaynayd ee Bahda Cadaaladda koonfur galbeed oo kormeer shaqo ku tagay xurunta xafiiska xeer-ilaalinta koonfur galbeed ee soomaaliya ayaa u kuur-gal ku sameeyay kiiskaska fudud iyo kuwa culus ee xafiiska xeer-ilaalinta u gacanta ku hayso.

 

Sidoo kale, xubnahan ka socday Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa kormeerka ku tagay Xurunta CID-da ee Gobalka Bay iyo Saldhiga dhaxe ee Degmadda baydhabo, kuwaaso ay shaqo wadaag-yihiin iyo  Xabsiga dhexe oo ay ku juraan 160 maxbuus oo 107 ka mid ah ay yihiin xukunsane, halka 53 kale ay yihiin Gar-sugayaal si wax ogaadan xaaladooda nololeed iyo in lagu dhaqo xeerka xabsiyadda Soomaaliya,

 

Xubnahan ka socda xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa marka ay kormeerkooda so gabogabeeyen waxaa warbaahinta la hadashay Xiis Maxamed Axmed oo ah mid ka mid ah ku xigeenadda Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxaana si kooban u sharaxday ujeedka kormeerkooda.