Booqasho uu ugu kuur galayay howlaha Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya ayuu ku tagay Safiirka Dowladda Turkiga Olgan Bakar Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliya waxaana ku soo dhaweeyay Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir oo uu  wehliyo ku xigeenka koowaad Dr.Muse Macalin Maxamed waxeena ay wada qaateen kullan gaar ah.

Safiirka Turkiga ayaa kullanka kaddib waxa uu booqday Xafiisyada Xeer ilaalinta ay ku shaqeeyaan waxaana warbixin ku aadan habka howsha loo qabto  siiyay Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir iyo sidoo kale wuxuu uga warbixiyay horumarada uu xafiisku ku tallaabsaday saddexdi sane aynu ka soo gudubnay.

Ugu dambeyntii Xeer Ilaalaiyaha Guud Ee Qaranka  Dr.Axmed Cali Daahiir ayaa gudoonsiiyay bilad sharaf Safiirka Turkiga Olgan Bakar oo ugu mahad celiyay Walaalaha Turkiga Garab istaagooda Soomaaliya.