Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta daah furay wajiga koowaad ee Qorshaha Istaratiijiyadda Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka 2020-2024.

Wada tashigaan, waxa aan uga golleenahay in dhamaan qaybaha kala duwan ee dawladda ee wada shaqaynta la leh xafiiska iyo hayadaha caalamiga ah ee taageera ay qabya-qoraalka qorshaha aragtidooda ku darsadaan ka hor intaan si rasmi ah loo daah furin nuqulka kama damaysta ah.

Shirkaan  waxa laga  rajaynayaa in talo wax-ku-ool ah kasoo baxo shirka  sidoo kalena  khuburada kasoo qayb gashayna isla meel dhigi doonaan hawlaha mudnaanta u leh Xafiiska iyadoo mar waliba laga duulaayo halku dhigga garsoorka dalka ee sanadkaan 2020 oo ah “Garsoor Tayo Leh”.