Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14/06/2020 mar kale ka qeyb galay dhageysiga dacwadda sharkidaha Camuud Printing Center iyo Al-Xabiib Business Center.

Shirkadahan ayaa loo haystaa in ay u fududeyn jirayn xubnaha ku eedeysan Dacwadda musuq maasuqa ah uu hadda Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka gacanta ku hayo sameynta documentiyo been abuur ah sidoo kale ay u sahli jireyn in gacan qaldan ku dhacdo si qaldanna loo maamul lacagaha Dowladda iyo Hay’adaha deeqaha bixiya ugu deeqaan Soomaaliya.

Marki la dhageystay dooda dhinacyada dacwadda laguna qancay eeda Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka iyo caddeymaha hordhaca ah waxa ay Maxkamaddu go’aamisay in fadhi kale la iskugu yimaad.