Waxaa magaalada Victoria ee dalka Seychelles ka furmay tababar la xariira sharciga kaluumeysiga kaas oo ay ka qeyb qaadanaayaan ku xigeenada xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, xeer ilaaliyaasha maamul gobaleydyadda, iyo xubno ka tirsan laanta garsoorka.

Tababarka oo soconaaya mudo laba todobaad ayaa waxaa bixinaayaa quburo dhanka sharciga kaluumeysiga ah iyadoo ay iska kashanaayaan hay`addaha UNODC & FAO,
Tababarkaan oo ku baxaaya habka onlinka ayaa waxaa lagu qaadanaayaa :
• Hordhac ku saabsan sharciga baddaha iyo kaluumeysiga
• Aaladaha kalluumeysiga, kuwa wax xira iyo kuwa aan ku xirneyn
• Hergilinta waajibaadka iyo sharciga kaluumeysiga qaranka
• Hagitaan wax ku ool ah oo ku saabsan kormeerka, falanqaynta dembiyada kalluumaysiga iyo xadgudubyada diritaan iyo soo bandhigid cadaymo, iyo dacwad ku oogidda dambiyada kalluumaysiga.
Iyadoo ujeedadda laga leeyahay tababarkaan ay tahay ilaalinta baddaha dalka iyo dhowridda xuquuqda kaluumeysatadda.