War-Murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha Qaran ee 3aad ee Xeer Ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed

Muqdisho Somalia 01 -12-2020

  1. Ka qeyb galayaasha Shir-waynaha waxa ay mahad gaar ah u celiyeen dhammaan qaban qaabiyeyaasha shirka oo uu ugu horeeyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer-ilaaliyeyaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Barnaamijka Wadaaaga Cadaaladda (Joint Justice Program) oo gacan ka geystay qabsoomidda Shirkan.
  2. Ka qeyb galayaashu waxa ay isla qaateen in ay lagama maarmaan tahay Abuurida jawi wada shaqayn iyo Xoojinta Xiriirka Xafiisyada Xeer-Ilaalinta Heer Federal iyo Heer dowlad-goboleed, Xafiiska xeer-ilaaliyuhu door muhiim ah ku leeyahay adkeynta Xiriirka Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xafiisyada kale ee heer dowlad goboleed iyadoo la wadaagayo xogta dembiyada dhaca.
  3. Shirweynuhu wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay isdhaafsiga Xogaha dembiyadda, aqoonta iyo khibradda xafiisyada xeer-ilaalinta heer federal iyo heer dowlad goboleed, ayadoo la isla wadaagayo guulaha iyo caqabadaha qabsaday xeer-ilaaliyaasha iyo xal u heliddeeda.
  4. Ka qeyb galayaashu waxay soo jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in wax laga baddalo Xeerka Garsoorka, xukuumadduna ay dar dar geliso Nidaamka Garsoorka.
  5. Kasoo qeyb-galayaashu waxay soo jeediyeen in la xoojiyo dhismaha iyo tayeynta laanta xeer-ilaalinta oo ka mid ah garsoorka.
  6. Waxaa la isla gartay in Baahida ugu muhiimsan ee uu xafiisku qabaa ay tahay  in la kordhiyo tayada xeer-illaaliyayaasha Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed.
  7. Shirweynuhu wuxuu soo jeediyay in la howl-geliyo Booliskii Garsoorka oo laf dhabar u ah  ilaalinta iyo fulinta go’aamada Garsoorka.
  8. Ka soo qeyb galeyaashu waxay ka doodeen saameynta uu caabuqa Covid19 ku yeeshay howlaha Xafiisyadda Xeer-ilaalinta ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxayna u arkeen in ay lagama maarmaan tahay in la raaco talooyinka Wasaaradda Caafimaadka.
  9. Shirweynuhu wuxuu xusay waxqabadka Ururka Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed ee la aas-aasay 23-09-2019, wuxuuna soo jeediyay in la dhameystiro Dhismaha Ururka Xeer-ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed.
  10. Gunnaanad, Shirweynuhu wuxuu aqoonsaday doorka Xafiiska Xeer-ilaalintu ku leeyahay iskaashiga Xeer-ilaaliyeyaasha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo hirgelinta Cadaaladda iyo Mabaadiida Sareynta Sharciga.

 

Dhamaad.

 

Allaa Mahad leh

Talaado, 1da Disembar 2020