Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya   oo ay ka mid yahiin Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka iyo Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka ayaa gaaray xarunta Maxkamadda ICJ.

Dowladda Soomaaliya oo diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed khadar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga ugu danbeeya ee la wada sugayo ee Maxkamada ka dib markii dowladda kenya ay dalbatay in dib loogu dhigo mudo 12-bilood ah.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ku sugan xarunta Maxkamadda ICJ oo ay ka mid yahiin Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka iyo Ra'iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Gepostet von Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Soomaaliya am Freitag, 4. Oktober 2019